4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Xarakada Al-shabaab oo afar qof ku dishay Degmada Wajeer ee Dalka Kenya


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa afar qof ku dilay magaalada Wajeer ee  dalka Kenya kaddib markii ay weerar magaaladaas ku qaadeen sida ay booliiska Kenya sheegeen maanta oo Arbaco ah.

Dabley hubeysan ayaa gudaha u galay shalay degmadaas oo ku dhow soohdinta; iyadoo kooxdu ay weerartay dukaan ku yaalla dhanka waqooyi-bari degmadaas oo 100-km u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Kooxdan ayaa weerarkooda u isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro, rasaas nool iyo waxyaabo kale oo qarxa sida ay sheegeen dadkii goobjoogayaasha ahaa.

“Dadka waxay ku xirneen gudaha dukaanka, jiho walbana rasaas ayay kaga fureen. Saddex ka mid ah afarta qof waxay ku dhinteen gudaha dukaanka, ruuxa kalena wuxuu ku dhintay isbitaalka,” ayuu yiri Maxamed Siyaad oo ka mid ah saraakiisha magaladaas.

Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas  ay ku qaaday degmada Wajeer ee dalka Kenya. Iyadoo la xusuusto in kooxdu ay toddobaadkii aan soo dhaafnay weerareen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Roba inkastoo uu ka badbaaday weerarkaas.

Magaalooyinka ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Wajeer iyo Mandheera ayaa inta badan la kulma weearro ay Al-shabaab la beegsato, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay gudaha Somalia 2011-kii.

Xukuumadda dalka Kenya ayaa lagu eedeeyay inay ku wareersan tahay wax ka qabashada ammaanka gudaha dalkeeda, iyadoo gudaha wadankaas ay si is-daba jooga ah uga dhacaan weerarro iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya