4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Xisbiga RW Natanyahu oo Markii Afaraad ku Guulaystay Doorashada Isreal


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Xisbiga garabka midig Likud ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaaraha Israel, Binjamin Natenyahu ayaa ku guulaystay doorashadii Israel ,waxaana tani ay ka dhigaysa in raysal-wasaaraha talada haya uu xilkaas ku guulaysto markii afaraad oo isku xigta.

Waxaa doorashada ay Natanyahu fursad u siinaysaa in uu soo dhiso dowladd loo dhan-yahay oo ka kooban xisbiyada ugu tunka weyn dalkaas  ,iyadoo xisbiga Likud uu kuraasta barlamaanka ka helay 30-kamid ah 120-ka kursi ee aqalka Kaniisatka, halka xisbiga Zionist Union uu helay 24-kursi oo kaliya.

Hogaamiyaha xisbiga ZU ayaa ugu hambalyeeyay Natanyahu doorashada uu ku guulaystay, waxaana uu u rajeeyay nasiib wanaagsan, waxaana doorashada ka dib waddooyinka Talaabiib isugu soo baxay taageerayaasha Natanyahu.

“Wax is badalay ma jiraan ,waan sii wadi doonaa inaan u dagaalanno raadinta cadaaladda bulshadeena “ayuu yiri Natenyahu oo la hadlayay wargayska Haartz waxyar un kaddib markii loo caleema-saaray in uu xafiiska hogaamiyo markii afaraad.

Ka hor intii aan lagu dhawaaqin natiijada kama dambaysta ah ee codbixinta shacabka Israel ayuu madaxweynaha Maraykanka Barack Obama sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood uu sii socon doono.

Ugu danbayn, arrinta la hadal hayo ayaa ahaa wada-hadalada Bariga dhexe iyo in dowladda cusub ee Natanyahu ay noqoto dowlad dhamaystiran ,waxaa bilihii la soo dhaafay xumaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda Maraykanka iyo Isreal.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]