4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2015
Kooxa Arsenal oo ka hartay Horyaalka Koobka Kubadda Cagta ee Qaaradda Yurub


Arbaco, Maarso 18, 2015 (HOL) — Naadiga Arsenal ayaa mar kale ku guul-dareystay inay u soo baxdo wareegga 8-aad ee Koobka Horyaalka Kubadda Cagta Yurub, kaddib markii ay ka badisay naadigii ay wada ciyaarayeen ee Monoco ayay haddana ku hartay sharciyada goolaha horyaalkan.

Naadiga Arsenal ee dhisan Britain ayaa wuxuu kaga badiyay naadiga kale ee Monoco oo ka dhisan Faransiiska 2-0; inkastoo horay arsenal oo lagu soo ciyaaray garoonkooda looga badiyay 3-1, taasoo keentay in Arsinal sharciyada gool ee u degsan horyaalkan oo ah hal-dheeri.

Arsinal ayaa waxaa goolasha ay xalay ku badisay u kala dhaliyay ciyaarahanadeeda kala ah; Oliver Giroud iyo Aaron Ramsey, iyagoo kala dhaliyay goolashan daqiiqadii 36-aad ee qaybta hore iyo daqiiqadii 79-aad ee qaybtii dambe.

Sidoo kale, kooxda Monoco ayaa muujisay dadaal dheeraad ah, kaddib markii ay la soo baxday ciyaar aad u heer sarreysa, inkastoo aysan u suuro-gelin inay shabaqa kooxda Arsenal taabsiiso gool.

Arsenal ayaana ku hartay sharciga goolasha - maadaama garoonkeeda saddex gool looga dhaliyay, kumana filnayn labadii gool ee ay xalay ku dhalisay garoonka kooxda Monoco ee ay la ciyaartay.

Ugu dambeyn, Monaco ayaa markii u horreysay u soo baxday wareega 8-da kooxood tan iyo sannadkii 2004-kii, xilligaasoo ay gaartay finalka koobkan, balse ay ka qaadday Kooxda FC Porto oo iyana u soo baxday wareega sideedaad.

Dhinaca kale, naadiga Atletico Madrid ayaa rigoorayaal 3-2 uga badisay kooxda Bayern Liverkusen, kaddib ciyaar xiiso leh oo ka dhacday garoonka Vicente Calderon.

Kooxda Atletico Madrid ayaa sagaashankii daqiiqo waxay 1-0 ku marsiisay kooxda Bayern Liverkusen oo lugtii hore gurigeeda ay kusoo badisay 1-0, waxaana taas ay keentay in sodon daqiiqo dheeri ah lagu daro ciyaarta, si loo kala baxo, maadaama ay farqiga goolasha isaga mid yihiin, waxaase markii dambe rigoorayaal ku badisay Atletico Madrid oo iska xaadirisay wareega sideedaad.

Si kastaba ha ahaatee, kulammada caawa dhici doona ayaa waxaa isaga horimaan doona; Barcelona iyo Man City oo ah kooxda kaliya ee u hartay kooxaha Ingiriiska. Juventus iyo Brossia Dortmund oo dhammaantood horay isku soo arkay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya