4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Dibadbax looga soo horjeedo xaalufinta biyaha Somalia oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Bannaanbax ay ka qaybgaleen boqollaal ruux oo reer Muqdisho ayaa maanta ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Muqdisho, kaasoo looga cabanayay baaritaannada ay shirkado dalalka caalamka qaar ka mid ah biyaha ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Dibadbaxan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay ururrada bulshada rayidka Somalia, waxayna ku muujiyeen sida ay kaga soo horjeedaan xaalufka iyo wasakheynta biyaha Soomaaliya.

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka mid ah saraakiisha Bulshada Rayidka ah oo ka hadlay dibadbaxa oo ay ka qaybgalayeen ardayda wax ka barta dugsiyad iyo jaamacadaha Muqdisho inay sii wadi doonaa dibadbaxyada ay kaga soo horjeedaan dhibaateynta lagu hayo dalka.

“Waddankeena uma ogolaanayno inay dowlado kale qanadaraas ku bixiyaan oo baddeenna la baaro, lagu xadgudbo ama laga kalluumeysto ama qashin lagu shubo. Waxaan dowladda Talyaaniga ka doonaynaa inay kala doorato shacabka Soomaaliyeed iyo dowladnimadiisa iyo inay dalkeenna dowlado kale la bililiqeysato,” ayuu yiri C/llaahi Maxamed Shirwac oo dibadbaxa la hadlay.

Sidoo kale, waxaa bannaanbaxa ka hadashay Khadiijo C/llaahi oo iyana ah guddoomiyaha hay’adda COGWO ayaa sheegay inay Soomaalida oo dhan ay u sheegayso inay arrimahan ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka lagu hayo.

“Dowladda Talyaaniga waxaan ka codsanaynaa inay waddankeenna ka baxdo,” ayay tiri Khadiijo oo intaas ku dartay inay shacabka Soomaaliyeed oo dhan mar kale weyiidsanayso inaysan arrintan ka seexan.

Ugu dambeyn, bannaabaxayaasha ayaa waxay sheegeen inay sii wadayaan dibadbaxyada noocan oo kale ah inta la joojinayo xaalufinta iyo baaritaanka lagu hayo xeebaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya