4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Muran ka taagan diyaaradda Kenyan Airways oo diiday inay qaado Museveni


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Mudanayaasha baarlamaanka waddanka Kenya ayaa baaraya sababihii keenay in diyaarad kuwa shirkadda Kenya Airways ka mid ah ay diido inay soo qaado madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo kusoo jeeday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Diyaaradda Kenyan Airways ayaa diidday codsi uga yimid Museveni oo ahaa inay kasoo qaado gurigiisa oo ku yaalla galbeedka dalka Uganda, wuxuuna qorsheynayay xilligaas inuu ka qaybgalo shir madaxda gobollka uu u qabtay madaxweynaha Kenya 20-kii bishii hore, iyadoo diyaaraddu ay codsigan iska diiday.

Intaa kaddib ayaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa xilli dambe waxaa soo qaaday diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ee Ethiopian Airways.

Arrintaan ayaa muran weyn dhalisay, markii ay soo shaac baxday warka ah in diyaaradda Kenyan Airways ay diidday inay magaalada Nairobi u soo qaado madaxweynaha Uganda.

Labada guddi ee baarlamaanka dalka Kenya u qaabilsan arrimaha dibadda iyo difaaca ayaa kulamo is-daba-joog ah ka lahaa arrintan, iyagoo baaraya sababaha keenay in shirkadda diyaaradaha ee dalka Kenya ay diiddo codsiga uga yimid Museveni.

Shirkada Kenyan Airways ayaan wax war ah kasoo saarin iyo sababtii ay u diidday codsiga madaxweynaha dalka Uganda ee ahaa in ay kasoo qaado galbeedka Uganda.

Warbaahinta dalka Uganda ayaa qortay in diyaaradii madaxweynaha Uganda u soo qaadi lahayd magaalada Nairobi uu ku socotay dayactir, iyadoo tan loo arko mid dhaawac weyn ku noqon karta xiriirka wanaagsan ee dalalka Kenya iyo Uganda u dhexeeya, iyadoo labada dal ay ciidammo ka joogaan Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya