4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Midowga Yurub iyo World Vision oo Puntland ka Taageeraya Hab-Nololeedka

Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Midowga Yurub iyo World Vision iyagoo kaashanaya Wasaaradda Shaqada, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland waxay fureen - Mashruuca xoojinta fursahada Hab-Nololeed ee Nugaal - oo ujeeddadiisu tahay sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha hoose ee Puntland iyada oo la bixinayo tababaro iyo taageero ganacsi.

Deeq lacageed oo gaadhaysa 3 Milyan oo EURO, mashruucani wuxuu soconayaa ilaa 3da sanno ee soo socota, wuxuuna bixinayaa tababaro iyo barnaamijyada waxbarashada dadban, taageerida ganacsatada yar yar iyo wacyi-gelinta bulshada ee arrimaha Hab-Nololeedka iyo Xuquuqda Aadanaha iyada oo la tababarayo lana gacan-qabanayo la iskuna xidhayo dhexdooda. Mashruucani wuxuu sare u qaadayaa isku xidhka bulshada waxaana ka faa’iidaysanaya ugu badnaan 24,000 qof oo Soomaali ah iyo kooxaha la takooro ee degmooyinka Dangoroyo, Eyl, Godobjiran, Garoowe iyo Burtinle Gobolka Nugaal ee Puntland.

Safiirka Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso ayaa wuxuu yiri. “Horumarinta xirfaduhu waxay muhiim u tahay dhaqaalaha Soomaaliya. Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero waxbarashada iyo tababarada farsamada gacanta maadaama oo ay yihiin hantida ugu wayn ee dalku ku gaadhi karo koboc iyo shaqo-abuur. 

DHAMMAAD / Midowga Yurub iyo World Vision