4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Tababbar loo furay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka FS


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta magaalada Kampala ee caasimadda Uganda uga furay tababar la xiriira kordhinta doorka hogaaminta siyaasadda ee haweenka ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay inta badan Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya, Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Somalia ee dalka Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda tababarkan fududeyneysa ee The Association of European Parliamentarians with Africa (AWEPA) oo xaruntoodu tahay magaalada Amsterdam ee dalka Netherlands.

Guddoomiyaha golaha haweenka xildhibaannada Soomaaliya Xildhibaan Biibi Khaliif oo hadal kooban ka jeedisay munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay muhiimad u siiyeen fursadaha tababarrada ah ee aqoontooda sare loogu qaadayo guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana dhanka kale ay u mahad celisay hay’adda AWEPA oo tababarkan fududeynaya.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jeeylaani Nuur Iikar oo xafladda ka jeediyey Khudbaddiisa furitaanka ayaa tilmaamay in tababarkan maanta Kampala uga furmay Xildhibaannada Haweenka ah ee ku jira Baarlamaanka Soomaaliya uu qeyb ka yahay tababarro ilaa seddex gaaraya oo ay Xildhibaannada Haweenku ku kala qaadan doonaan Addis Ababa iyo Kigali sababta uu Guddoonka Baarlamaanka ahmiyad u siinayo Haweenkana ay tahay iney yihiin tiir dhexaadka bulshada,tanina ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo ay horey guddoonku ula saxiixdeen hay’adaha baarlamaanka taageerra qaarkood.

Ugu dambeyn, tababarkan ayaa qeyb ka noqonaya tababaro aqoon kororsiyo iyo kulammo howleedyo ay magaalada Kampala ku yeelanayaan guddiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya ku qaadanayaan Uganda inta lagu guda jiro fasaxa Kal-fadhiga baarlamaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya