4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Xubnaha Golaha Deegaanka Gabiley ee Somaliland oo Doortay Maayar Cusub

Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Golaha deegaanka ee degmadda Gabiley ayaa maanta doortay maayar cusub ka dib markii maayarkooddii hore laga dhigay wasiirka Warshadaha Somaliland.

Fadhigan golaha deegaanka Gabley maanta yeesheen ayaa waxa ka soo xaadiray 18 xildhibaan, kuwaas oo cod aqbalabiyad ah ku doortay xildhibaan Maxamed Cumar Cabdi (Maxamed Aamin).

Fadhigan maanta waxa furay Wasiir xigeenka Gobolada iyo degmooyinka wasaaradda Daakhiliga iyo Badhasaabka Gabiley oo mudaneyaasha deegaanka uga mahadceliyay sida hufnaanta leh ee ay iskaga dhex doorteen Maayar hogaamiya.

Maayarkan cusub Maxamed Aamin ayaa ka soo jeedda xisbiga UCID, isla markaana hore loolan adagi uga dhexeeyey maayarkii hore booskan baneeyay.

Xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley ayaa bilihii u dambeeyey ku kacsanaa maayarkii hore Shucayb Maxamed Muuse, sidaa darted ayuu madaxweynuhu u magacaabay wasiirka warshadaha xilkaasi oo uu hore iskaga casilay Abiib Timacad oo xilkaasi hore u hayey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland