4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Jawaari oo xafiiska ku qaabilay qaar ka mid Safiirada Caalaamka (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah danjirayaasha dunida ka jooga Somalia iyo wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Kulanka oo ahaa mid arrimo badan laga wadda hadllay ayaa safiiradii ay is arkeen Jawaari waxaa ka mid ahaa, Safiirka Jabuuti Danjire Dayib Dubbad Rooble ,Sweden, Switzerland iyo Eregayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholos Kay,ayaa looga hadalyey sidii ay gacan kaga gaysan lahayeen hirgalinta hiigsiga 2016-ka.

Sidoo kale, shirka labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha horyaala Baarlamaanka Somalia; isla markaana looga fadhiyo in ay ku qabtaan Kalfadhiga 6 aad ee Baarlamaanka oo dhowaan lagu wadao in uu furmo.

Afhayeenka Baarlaamaanka Federaalka Somalia Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa mid mid ula kulmay safiirada uu maanta waxaayna is dhaafsadeen qaabka ay dowladda Somalia ugu guulaysan karto hirgelinta hirgalinta 2016-ka iyo doorka kaga aadab in dalalka iyo hay’adaha caalamka ay qeyb ugu qaadan lahaayeen howshaasi.

Inta badan shirarka dhaxmara madaxda ugu sareysa dowladda FS iyo danjirayaasha dalalka shisheeye ka jooga Somalia ayaa looga waddahadlaa arrimo badan dardar-galinta howlaha hor yaalla dowladda iyo si loogu guuleysto hirgalinta hiigsiga sanadka 2016-ka oo lagu ballan-san yahay in dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho xor ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya