4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Guddoomiyaha Mandheera oo Sheegay in uu Faraha ka sii baxayo Ammaanka
Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Mandheera  ee waqooyi bari Kenya Cali Rooba Saciid oo isniintii aynu kasoo gudubnay ka badbaaday weerar la doonayo in lagu qaarijiyo ayaa sheegay in uu faraha kasii baxayo ammaanka dalka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari oo uu xusay in weerarro is-daba-joog ah ay uga imaanayeen kooxda  Al-shabaab.

Masuulkan ayaa ku dhaliilay madaxda Kenya in ay ka gaabiyeen sugidda amniga dalka, isagoo xusay in hadii aan si deg deg ah wax looga qaban falalka amni darro ee ay Shabaab ka geeysanayaan gudaha Kenya in xaaladdu ay kasii dari doonto.

“Dowladda ayaa ka masuul ah in ay ilaaliso dalka oo dhan, looma baahno in ay Soomaaliya ciidamo ka joogaan si ay u ilaaliyaan Soomaalida, halkii ay ka ilaalin lahaayeen shacabka Kenya,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Jimcadii aynu kasoo gudubnay ayay ahayd markii ay Al-shabaab weerar ku qaaday gaadiid uu la socday gudoomiyaha gobolka Mandheera Cali Roba Saciid, weerarkaa oo ay ku dhinteen sedex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsanayd ciidamada booliska Kenya.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo koox koox u socda ay ku wareegayaan deegaanada ku dhow-dhow xuduudda, si buu yiri ay uga geystaan falal liddi ku ah ammaanka, isagoo sheegay in loo baahanyahay ciidamo dhulka ah oo kula dagaalama howdka.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii dowladda Kenya ciidamo nabad ilaalineed oo qeyb ka ah AMISOM ay usoo dirtay Soomaaliya waxaa isa soo tarayay weerarrada ay Al-shabaab ka geeystaan gudaha dalkaasi Kenya.

Xasan Nuur Max’ed
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.