4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Sharma'arke oo u Ambabaxay Qatar


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma‘arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa manta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Qatar.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, iyadoo safarkan uu noqonayo kii labaad oo uu dalka uga ambabaxo Shama’arke tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Sharma’arke ayaa casuumad ka helay dhiggiisa dalka Qadar, isagoo halkaas ku sugnaa doona dhowr casho, inta joogana wuxuu kulammo la qaadanayaa dhiggiisa iyo madax sare oo ka tirsan dalkaasi.

Dowladda Qadar ayaa kaalin muuqata uga jirta dalalka carbeed ee Somalia taageerada joogtada ah siiya, waxaana la filayaa in RW Somalia uu madaxda dalka Qadar kala hadlo sii xoojinta xariirka labada wadan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya