4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Ciidamada dalka Itoobiya oo xalay howlgal ka sameeyay degmada Buuhoodle
Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL)- Ciidamada Itoobiya ayaa xalay hawlgal muddo kooban socdey ka sameeyey gudaha degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Ciidanku waxay magaalada soo gaaleen fiidnimadii xalay iyagoo isku dayey inay qabtaan nin macallin ah oo dugsi Qur'aan ku haysta Buuhoodle.

Macallinka oo lagu magacaabo Cabdullaahi, deegaan ahaanna kasoo jeeda gobollada koonfurta Soomaaliya waxaa u suuro gashay inuu baxsado kaddib markii ardeydiisu dhagxaan iyo buuq kala hortageen ciidamada.

Rasaas ciidanku fureen buuqa kadib waxaa dhaawac fududi kasoo gaarey hal qof oo dumar ah, taasoo markii dambe loo qaadey dhanka magaalada Garoowe si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo sababta ciidamada Itoobiya u doonayeen inay ninkaas u qabtaan, balse wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tibaaxaya in looga shekiyey inuu xiriir la leeyahay Al-shabaab.

Maamulka Puntland ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin arrintan, waxaana xusid mudan in labada dhinac leeyihiin iskaashi dhanka ammaanka iyo ganacsiga ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya