4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Hoteel ka mid ah kuwa ugu Qadiimisan Puntland oo dib loo Furay (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Hoteel Gacayte oo kamid ah Hoteellada ugu taarikhda weyn Puntland ayaa dib looga furay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kaddib muddo bilo ah oo dayactir lagu waday dhismaha Hoteelkan.

Inta badan madaxda Puntland oo ay ku jiraan gudoomiyaha gobolka Bari iyo kan degmada, waxgarad, culum’udiin ,qurbo joog ,aqoon-yahanno iyo haween tiro ah ayaa ka soo qayb-galay munaasbaddii furitaanka oo shalay ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelkan cusub.

“Hotelka wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 250, qolalka jiifka ah waa 104-sariirood, wuxuu leeyahay laba Cafeteria, laba Restaurant, Super-market, Saddex hool oo kuwa shirarka ah, Masaajid, xafiisyo, warshad rootiga iyo mid barafka ah, goob carruurta iyo dumarka, barkado lagu qubeysto “ ayuu yiri mulkiilaha hotelka Xaaji Xuseen Gacayte oo la hadlay warbaahinta.

Wasiirka maaliyadda Puntland Shire X. Faarax oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay kulankaas ayaa u mahad-celiyay qoyska Xaaji Xuseen Gacayte ,waxaana dadweynihii munaasabadda ka soo qayb-galay uu ka dalbaday in mas’uuliyad dheeri ah la iska saaro hotelkan.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in hotelkan uu bilic sare ku soo kordhin doono Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo sanadihii la soo dhaafay aad u koraysay

Madaxa suuq gaynta Shirkadda Golis oo ku hadlayay magaca ganacsatada ayaa sheegay in Hotelkan uu qiimo weyn u leeyahay ganacsatada iyo dadka dalxiiska u imaanaya Puntland, waxaana macaamiisha Shirkadda uu ka masuulka yahay ugu baaqay in ay farxadda hotelka kala qayb-qaataan mulkiilaha dhisay hotelka.

Ugu dambeyn, Hotel Gacayte waxa uu saran-yahay janbiga badda ,waxaana uu ku dhow-yahay dekedda magaalada Bosaaso ,iyado oo lagu xasuusto in waqtiyadii hore uu kamid aha meelaha ay dadku u soo dalxiis tagaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]