4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Rag hubeysan oo xalay Macallin dugsi Qur'aan ku dillay degmada Beledweyne

Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Kaddib salaaddii cishaha ee xalay ayay rag hubeysan ku toogteen meel aan fogeyn hoygiisa xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne macalin Dugsi Qur'aan oo lagu magacaabi jiray macalin Cilmi Cabdi Xasan.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa sheegay in rag wajiyada soo xirtay oo ku hubeynaa qoryaha AK47 weerar ku qaadeen macalin oo ay rasaas dhowr ah ku fureen taasoo keentay in uu u geeriyoodo.

Subixii hore ee saakay ayaa lagu aasay marxuumka magaalada Beledweyne, waxaana aaskiisa ka qeybgalay shacab ka kala yimid xaafadaha magaalada oo siweyn u garanayay macalinka.

Ciidamada amniga gobolka ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen xaafadda Xaawo Taako waxay soo xirreen tiro dad ah oo sidda saraakiishu sheegeen lagu waddo baaritaan.

Lama oga oga illaa hadda cidda rasmi ah ahaan ka danbeysa dilka macalinka oo xaafadda Xaawo Taako ku lahaa dugsi laga barto Qur'aanka Kariimka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya