4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Xisbiga ODM ee Kenya oo ku guuleystay Doorashadii celiska ahayd ee Kajiado


Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Musharaxii u tartamaayay Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ee ODM ayaa xalay ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd ee Kursiga Golaha Baarlamaanka ee Bartamaha Magaalada Kajaadho.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka iyo Xududaha Kenya oo magaciisa loo soo gaabiyo IEBC ayaa xalay ku dhawaaqay in murashaxii u tartamayay Xisbiga daqdhaqaaqa dimuqraadiga Orange ODM oo lagu magacaabo Elijah Memusi uu ku guuleystay Kursiga Baarlamaanka ee magaalada Kijaadho.

Illaa 40 xarumood oo ku yaallo magaaladaas ayey dadku shalay ka dhiibteen codadkooda, xili Musharaxiin ka kala socday labada xisbi ee ugu weyn dalka Kenya oo kala ah. Xisbiga Talada hayo ee Jubilee Alliance Party (JAP) iyo Orange Democratic Movement (ODM) ay ku loolameen jagadaas.

Patrick Tutui oo ah Musharixii ka socday Xisbga JAP oo kaalinta labaad galay, ayaa helay codad dhan 15,508 Cod, halka Mudanaha ku guuleystay doorashadaas uu arruursaday codad dhan 16,008. Isagoona oga raayay musharaxii ka socday Xisbiga Madaxweynaha Kenya ugu yaraan 500 oo cod.

Doorashada oo aheyd mid ku celis ah, ayaa horay waxaa u hayay kursigaas Xisbiga uu hogaamin jiray Ra’iisal Wasaarihii hore Kenya Raila Odinga oo hada ah hogaamiyaha Isbahaysiga Dib-u-habeeynta iyo Dimuqraadiyadda Kenya ee CORD iyo waliba Xisbiga guuleystay ee ODM.

Kursiga Baarlamaanka ee bartamaha magaalada Kijaadho, ayaa banaanaaday kaddib markii Mudanihii horay halkaas looga soo doortay oo ka tirsanaa Xisbiga Mucaaradka ee ODM. Joseph Ole Nkaissery uu Madaxweynaha Kenya u magacaabay Xoghayaha Amniga Gudaha bishii December ee sanadki 2014, isagoona badalay Wasiirkii hore Amniga Joseph Ole Lenku.

Doorashada Kijaadho oo dhawaanahaanba ay xisbiyadu siyaabo kala duwan ogu ololeynayeen, ayaa waxaa la sheegay iney tusaalo u noqon karto doorashada guud ee ka dhici doonto Kenya sanadka 2017-ka kaasoo ay ku loolami doonaan labada xisbi ee ugu weyn Kenya.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya