4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Dib u Dhis Lagu Sameynayo Suuqyadii Dowliga ahaa ee Magaalada Kismaayo
Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) —  Maamulka degmada Kismaayo ayaa wada dadaallo dib loogu dhisayo suuqyadii hore ee dowliga ahaa, kuwaasoo burbursanaa mudo aad u dheer islamarkaana aan helin wax dayactir ah mudadii ay dalka ka jirtay dowlad la'aanta.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo Mudane Cabdi Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo dib loogu dhisayo suuqyadii waaweynaa ee ay lahaayeen shanta xaafadood ee ay ka koobantahay Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in dhawaan dayactir lagu sameeyay suuqweynaha xaafadda Calanleey, imikana ay ku bilaabi doonaan suuqayada ay kamid yihiin Suuqa Farjanno, Suuq Mugdi iyo suuqyadii lagu iibin jiray hilibka xoolaha ee ay lahayd degmada Kismaayo.

"Waxaan rabnaa inaan dib usoo celinno bilicdii ay lahayd Kismaayo, waxaan dooneeynaa in adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada ee ku burburay dagaalladii sokeeye in aan dib usoo celinno," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Ololahan dib loogu dhisayo suuqyada waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.