4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
In ka badan 9-ruux oo ku Dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Talaado, Maarso 17, 2015 (HOL) — Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyooday, iyadoo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen in ka badan 10-ruux shil gaari oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay waddada isku xirtay Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Shilka oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen gaari kuwa dadweynaha qaada ah oo ka tagay magaalada Muqdisho iyo gaari kale oo xamuul oo ari siday kuna soo socday Muqdisho.

“Labada gaari markii ay ku dhaceen gaariga xamuulka ah waxaa uu ku dul-dhacay gaarigii ay la socdeen rakaabka oo ahaa Mini-Bus-ka ahaa, waxaan arkay maydadka sagaal qof iyo dhaaawaca toban kale oo dhammaantood ah dadkii la socday gaariga caasiga ah ee dadweynaha,” ayay tiri gabar goobta ku sugnayd oo warbaahinta la hadashahay.

Sidoo kale, gabadhan ayaa sheegay in shilku uu ahaa ahaa mid fool xun isla markaana aysan jirin wax gurmad ah oo soo gaaray dadkii shilku ku dhacay, marka laga reebo dadweynaha deegaanka oo gurmd u fidiyay.

“Maamulka Lafoole oo wata gaari dagaal ayaa soo gaaray, dib ayayn goobta uga laabteen, iyagoo sheegay inay soo qaadanayaan wiishas si ay gaadiidka u kala qaadaan,” ayay gabadhani hadalkeeda ku dartay.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan kusoo noqnoqda waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, waxaana sababta ugu ee soo celcelinaysa shilalka lagu tilmaamaa khibrad yarida darawallada iyo gadiidka oo mar marka qaar loo kaxeeyo si xowli ah oo mas'uuliyad darro ku jirto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   
Beledweyne, Soomaaliya