4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 17, 2015
Ciidanka Nigeria oo Magaalooyin hor leh kala Wareegay Kooxda Boko Haram
Talaado, March 17, 2015 (HOL) - Ciidamada Militariga dalka Nigeria ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Bokoharam ay ka saareen gobolka Waqooyi bari ee Yobe ee dalkaasi Nigeria, iyagoo intaa ku daray in maleeyshiyaadkaasi ay kala wareegeen magaalada Bama ee deriska la ah gobolka Borno.

Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca dalka Nigeria oo lagu magacaabo Chris Olukolade ayaa boggiisa Twitterka ku sheegtay in maleeyshiyaadka Bokoharam ay kala wareegeen magaaladii ugu danbeeysay ee gobolka Yobe.

Kooxda Bokoharam ee ka dagaalanta Nigeria ayaa isaga baxay magaaladii labaad oo Istaraatiji ah oo ka tirsan gobolka ay dagaallada ba’ani ka dhaceen ee Yobe, waxayna arintaani ka danbeeysay kadib dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Nigeria iyo kooxdaasi.

Howlgallada ka dhanka ah maleeyshiyaadka Bokoharam ee ay ciidamada dalka Nigeria ka wadaan dalkaasi ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Nigeria sheegtay inay ku dooneyso in ay gacanta ku dhigto kuna xasiliso gobolka waqooyi bari ee dalkaasi Nigeria, ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashooyinka oo ku began 28-ka bishan.

Maleeyshiyaadka Bokoharam ee ka dagaalama dalkaasi Nigeria ayaa weli gacanta ku haya magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalkaasi Nigeria, iyadoo kooxdani ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay ku biirtay kooxda ISIS ee la magacbaxday dowladda Islaamiga ah ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.