4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Magaalada Mandheera oo xalay dad lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay
Isniin, March 16, 2015 (HOL) Hal qof ayaa lagu dilay saddex kalana waa lagu dhawaacay magaalada Mandheera oo ka tirsan Gobalka  Waqooyi Bari Kenya, kadib markii xalay rag hubeysan ay weerareen dad ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalo magaaladaas.

Guddoomiyaha ku xigeenka Bariga Mandheera Elvis Korir, ayaa sheegay in dabley hubeysan ay si aanan kala sooc lahayn u toogteen macaamiil wax ka iibsanaayay Dukaankaan ku yaallo Mandheera.

Dhanka kale dadka deegaanka, ayaa HOL u sheegay in ragga la weeraray ay ahaayeen Farsamo-yaqaano  ka shaqeynaayay Magaaladaas, isla markaasna ku sugnaa banaanka hore ee dukaan ku yaallo xaafada 

Buula Mpya, iyadoona dhawaqa rasaasta xalay laga maqlo qeybo ka mid ah magaaladaas.

Weerarka oo dhacay Xalay abaara 8.30 habeenimo, ayaa masuuliyadiisa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab oo ka dagaalamo gudaha Somalia isla markaasna horay weeraro oga fuliyay Kenya.

Ciidamada Booliska ee ku sugan magaalada Mandheera, waxey iyaguna xaqiijiyeen in dadka la weeraray xalay ay ahaayeen dad anan daganeyn magaalada balse howlo shaqo u joogay.

Ruuxa geeriyooday iyo waliba Saddexda kale ee dhaawaca culus uu soo gaaray, ayaa wararku waxey intaas ku darayaan iney yihiin dad aanan Islaam aheyn, waxaana dhacdadaan ay u eg’tahay kuwa horay loogu laayay dad aanan Islaam aheyn oo ka dhacay agagaarka magaalada Mandheera.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan, ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Jimcihii aynu soo dhaafnay uu Guddoomiyaha Magaalada Mandheera Ali Ibrahim Roba uu ka bad-baaday weerar saddex qof ay ku dhinteen oo ka dhacay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Lafeey iyo Fino. 

Sidoo kalana 14kii bishaan, ayaa magaalada Magaalada Mandheera waxaa booqasho ku tagay Taliyayaasha sare ee Hay’addaha ammaanka Kenya, xili lagu tilmaamay amniga ka jiro magaaladaas inuu yahay mid aanan la isku haleyn karin.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online

[email protected] | [email protected]


Nairobi – Kenya