4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Dowladda Britain oo safiir cusub u soo magacawdey Soomaaliya
http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2015/03/ccc.jpgIsniin, Maarso, 16, 2015 (HOL) -- Dowlada Britain ayaa u soo magacawday safiir cusub dalka Soomaaliya iyadoo safiirkan ay tahay haweeney lagu magacaabo Harriet Mathews.

Danjiraha cusub la sheegay in badali doonto danjirihii hore Mr Neil Wigan oo sida warka ka soo baxay dowladda Ingiriiska loo bedeli doono shaqo diblomaasi oo kale.

Haweeneydan Mathews ayaa si rasmi ah shaqadeeda ula wareegi doonta bisha Juunyo ee soo socota.

Marwo Mathews waxaa ay wasaarada arrimaha dibadda ku soo biirtay 1997-dii, iyadoo hadda madax ka aheyd waaxda la dagaalanka cudurka Ebola.Ms Mathews oo ah qof aqoon duruqsan u leh arimaha Afrika ayaa waxaa ay ka soo shaqeysay sadex goobood oo Qaaradda Afrika kamid ah sida iyadoo madax ka noqotay xafiisyada Bariga iyo galbeedka Afrika ee dowladda UK.

Safirka cusub ee dowladda Britain ee Soomaaliya Ms Mathews ayaa sidoo kale waxaa aya ka soo shaqeysay xafiiska arrimaha dibadda ee UK wadamada ay ka mid yihiin Brazil,Israel iyo Afghanistan.

Dhowaan ayaa dowlada Maraykanka waxa ay u soo magacawday danjire cusub oo haween ah dalka Soomaaliya waxayna safiiradan cusub noqonaysaa haweeneydii labaad oo ka soo jeeda wadamada reer Galbeedka oo wakiil loogaga soo dhigo dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]