4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Puntland oo Dil toogasho ah ku Fulisay seddex ruux oo loo haystay Al-shabaab-nimo

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Wasiirka amniga Puntland  Xasan Cismaan Aloore ayaa maanta ka warbixiyay xukunno lagu riday ilaa iyo afar qof oo loo haystay danbiyo la xiriira in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabaab ,waxaana xukunka maxkamadda uu dhacay 16-kii bishii la soo dhaafay.

Waxaa wasiirka uu sheegay in raggan oo kala ah ,Maxamed Cabdi Axmed Olol,  Ismaaciil Cabduqaadir Jaamac iyo Xaajow Shiikh Nuur Cismaan lagu fuliyay dil toogasho ah ka  dib markii ay qirteen in ay ka tirsan-yihiin ururka Al-shabab.

“Kuwa maanta la toogtey ayaa dhammaantood ay ku caddaatay inay xubin ka ahaayeen ururka Al-shabaab islamarkaana Maxkamada ciidanka Puntland ay ku cadaysay danbiyada ay galeen “ ayuu yiri wasiir aloore oo maanta warbaahinta kula hadlayay Garowe.

‘’Dawladda Puntland ee Soomaaliya dagaalka tooska ah ee ay kula jirto kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab waa dagaal aan dhammaan doonin ilaa laga dabar gooyo kooxdaas, maadaama ay dadka iyo dalkaba duulaan ku yihiin’’ayuu mar kale yiri wasiirka amniga.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in Puntland ay qawaaniinta shareecada islaamka marinayso cid walba oo lagu helo danbiyo la xiriira Al-shabaab-nimo ,waxaana dilkan qisaasta ah uu maanta ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ugu danbayn,wasiirka ayaa sheegay in raggan la qabtay ,iyaga oo qorshaynaya qaraxyo ay ka gaystaan gudaha magaalada Bosaaso ,waxaana maalmihii la soo dhaafay deegaanada Puntland ka socday howl-galo amni sugid  ah oo ay fulinayeen ciidamada amniga.

Faysal Mohamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]