4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Maamulka Banaadir oo sagootiyey wufuud ka timid Masar Sudan iyo Turkiga
_MG_8126Isniin, Maarso, 16, 2015 (HOL) -- Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb-gallay munaasabad casho sharaf oo lagu sagootinayay wafdi ka socday  dalalka Masar, Suudaan iyo Turkiga kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, munaasabada casho sharafta waxaa ka qeyb-gallay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale oo uga mahad celisay wafdiga booqashada ay ku soo gaareen dalka.

Sheekh Cubeyd Karaar oo hogaamiyay wafdiga ayaa maamulka gobolka Banaadir uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo socdaalkii ay ku yimaadeen caasimadda.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xassan Max'ed Xusseen Muungaab oo ka hadllay munaasabada casho sharafta ayaa wafdiga uga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso sida maamulka gobolka uu u doonayo in uu soo dhaweyn diiran u sameeyo wafuudda booqashada ku imaanaysa Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur oo ugu dambeyntii kulanka ka hadlay ayaa maamulka gobolka Banaadir ku amaanayo casuumaadda uu u fidiyay culimadan, isagoo tilmaamay in ay xoogga saarayaan xoojinta xiriirka culimada Islaamka.

Wafdiga ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxaa ay booqdeen goobo kala gadisan gaar ahaan degmada Huriwaa iyo xirta Sheekh Maxiyidiin Cali oo ay kula kulmeen culimo Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]