4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Shir looga hadlayay hiigsiga 2016 oo Baydhabo kusoo gaba gaboobey
Isniin, Maarso, 16. 2015 (HOL)-  Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay shir looga hadllayay hiigsiga sanadka 2016-ka ''New Deal-ka'' oo maalintii shalay Baydhabo uu ka furmay madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Kulanka oo ay ka qeyb-galleen wasiirrada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo wafuud ka kala soctay maamul gobolleedyad dalka, ayaa waxaa gabagabadiisii ka qeyb-gallay wasiirrka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo shirkan maanta soo xirey ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid muhiim u ah bulshada ku dhaqan deegaanada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya isla markaana wax badan ku soo kordhin doono hirgelinta barnaamijka hiigsiga cusub kaas oo dowladda Soomaaliya ay la gashay wadamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo shir looga hadlaayo Hiigsiga cusub lagu qabto magaalada Baydhabo tan iyo markii la yegleelay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]