4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Al-shabaab oo lagu eedeeyey dilka dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan
Isniin, Maarso, 16, 2015 (HOL) -- Hay'adda culimada Soomaaliyeed ayaa fal laga argagaxo ku tilmaamtay weerar Al-shabaab ay ka geysteen guri ku yaala degmada Luuq ee gobolka Gedo, oo sidda la sheegay Al-shabaab ku dilleen dad isku qoys ka soo jeeda.

Afhayeenka hay'adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in falkaasi yahay mid aan raad ku laheyn diinta islaamka, isaga oo fariin tacsi ah u dirray ehelada dadka ku dhintay weerarka.

Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay in weerar ay ku qaadeen guri yaalla deegaan lagu magacaabo Abaqle oo ka tirsan degmada Luuq ku dilleen, Aabihii reerka, caruur iyo haweenka xiligaan ku waddaa sugnaa guriga la weeraray.

Afhayeenka hay'adda culimada Soomaaliyeed, ayaa intaa ku darray in maalmihii ugu danbeeyay sidda uu hadalka u dhigay Al-shabaab la soo baxeen falal aan wanaagsaneyn, gaar ahaan marka la eego dilka dadka jilicsan sidda caruurta iyo haweenka.

''Falka ay ku kacayaan Al-shabaab waxaa lagu tilmaami karaa xasuuq aan  loo meel dayin, madaama dadka la dillay siddan naloo sheegay ay ku jiraan caruur iyo haween'' ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Saciid C/qaadir Max'uud oo ah taliyaha ciidammada degmada Luuq ayaa u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in kooxihii falkaas ka dambeeyay ay ku raad-joogaan ayna cadaaladda soo taagi doonaan.

Bishan aynu ku jirno ayeey aheyd markii siddan oo kale weerar  ay ku qaadeen kooxo loo malenyayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab guri ku yaalla magaalada Beledweyne ku dilleen saddex ruux oo isku qoys ka soo jeeday iyaga oo siddoo kalana dhaawacay hooyadii reer iyo gabar ay dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya