4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Ururka SAPA oo xaflad lagu xusayo Sanad-guuradiisa lixaad ku Qabtay Maraykanka (SAWIRO)

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Ururka waalidiinta Soomaalida Maraykanka oo ah urur ka dhisan gobolka Minnesota ayaa u dabaal-dagay sanad-guuradiisii lixaad , waxaana ururkan oo ah mid  waxbarasho loo yaqaan Somali American Parent Association (SAPA).

Madaxa ururkan Maxamed Xasan Maxamud (Abgaalow) oo ka hadlayay xuska sanad-guurada ururka ayaa sheegay in waalidiinta Soomaalida ah ee Maraykanka degan ay tababaro u fidiyaan iyaga iyo maclimiinta ilmahooda wax u dhigaba.

“Waxaan samaynaa goobo looga caawiyo ardayda  maadooyinka ay u baahan yihiiin waxaan kala  hadalnaa waxa ay u baahan yihiin ee xaga waxbarshada  la xiriirta gaar ahaan dadka Soomaaliyeed “ ayuu yiri Abgaalow.

Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in  aasaaska ururkaan uu ku yimid baahi, taas oo ahayd in waalidiinta ku cusub wadankaan  ay ku adkayd inay  xiriir la yeeshaan iskuulada ay dhigtaan ilmahooda.

Hue Nyguen oo ah ku xigeenadda madaxa waxbarashadda ee gobolkan ayaa qirtay in ururada sida SAPA oo kale ah ay sare u qaadeen  waxbarashadda guud ee gobolka loona baahan yahay in la helo xarumo badan oo waqtiyo dheeri ah ardayda lagu caawin karo, waxayna uga mahadcelisay shaqada fiican ee ay u qabtaan waalidiinta  Soomaaliyeed.

David Hanno o ka mida siyaasiinta xildhibaanada Gobolka Minnesota ayaa isaguna ka hadlay qiimaha waxbarashada ay u leedahay xiriirka macalimiinta iyo waalidiinta waxa uuna ka sheekeeyay khibradiisa xaga arimaha waxbarshada isaga oo sheegay in  saddex sano uu  ku soo jiray gudiga waxbarshada ee Eden Prairie oo ah magaalo ay dagan yihiin qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Waxaa kaloo uu  xusay in dowladda gobolkaan ay waxbarashada ku bixiso qarashaad aad u badan iyo waliba caawinta dadka ku cusub dalkaan sida Soomaalida, isaga oo ku baaqay in laga faa’idaysto shaqada uu hayo ururka SAPA.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay , xubno kale sida Cabdi Warsame oo ah xubin ka mid ah golaha deegaanka ee Magaalada Minneapolis, Sh.Hamdi Iswaaf oo ah madaxa Gudiga SAPA, waalidiin Arday Macalimiiin iyo qaar ka mida ah macalimiinta wax u dhiga ardayda Soomaaliyeed  ee Minessota.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis MN