4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Danjire Nicholas Kay oo Baydhabo ku kulmay

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay oo booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ayaa kulamo la qaatay  madaxda maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Xasan iyo mas’uuliyiinta AMSOM ee degmada Baydhabo  ayaa la sheegay in danjiraha ay si gaar ah u kulmeen ,waxaana la sheegay in kulamadan badankood looga hadlayo xaaladda amni ee gobolka Baay.

“Waxaa madaxweynaha iyo danjire Kay ay ka wada hadleen arimo khuseeya dar-dar-galinta howlaha dhiman ee maamulka Koonfur Galbeed ,xoojinta amniga iyo hirgalinta kaabayaasha asaasiga ah ee bulshada “ ayaa lagu yiri war lagu soo saaray kulanka madaxweyne Shariif iyo Nicholas Kay.

Danjire Nicholas Kay ayaa dhawaan war uu soo saaray ku canbaareeyay weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaadday xarunta madaxtooyada maamulkaas ee magaalada Baydhabo ,isaga oo ammaan u jeediyay ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.

Weerarkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay dad ka badan11-ruux oo ay ku jireen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo qaar kamid ah shaqaalaha madaxtooyada maamulkaas oo u badnaa ciidankii ilaalada.

Ugu danbayn,Danjire Nicholas Kay ayaa ka hor intii uusan booqan Baydhabo magaalada Garowe kula kulmay madaxda Puntland ,waxaana safarka danjire Kay uu yahay mid uu ku marayo maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Faysal Mohamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]