4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose oo ka warbixiyay Odey Dhaqameed lagu Dilay Qoryeeley

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Kooxo aan la garanayn ayaa la sheegay in degmada Qoryeelay ee gobolka Shabeelada Hoose ay ku dileen oday dhaqameed kamid ahaa waxgaradka degmadaas ,isla markaana lagu magacaabi jiray Bashiir Xasan Cabdulle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siiddi oo lahadlay warbaahinta ayaa falkan ku eedeeyay ururka Al-shabaab ,waxaana uu sheegay in maamulka Shabeelada Hoose uu baarayo sida wax u dhaceen.

“Runtii falka ka dhacay degmada Qoryooleey waan cambaareyneynaa, waxa ayna dileen Nabadoon Bashiir Xasan Cabdulle, wiil uu dhalay iyo mid kale oo shaqaale u ahaa “ ayuu yiri Siidi oo saaka la hadlay qaar kamid ah warbaahinta.

“Ciidamada amnigu waxa ay iminka ku raad-joogaan sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayeen kooxihii  falkaasi arxandarada ah  ka dambeeyay” ayuu  mar kale yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale gudooomiyaha degmada Qoryeelay Maxamed Xaaji Cismaan oo isna arintan ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ka jooga degmada Qoryeelay la soo kordhin doono , si ay u adkeeyaan amniga.

Ururka Al-shabaab oo ka dagaalama bartmaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay laba jibbaaray dilalka ay ka gaysanayaan  goobaha iyo degmooyinka ay  dowladda Soomaaliya  gacanta ku hayso.

Faysal Mohamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]