4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Al-shabaab oo Gudoomiye tuulo ku dilay Gobolka Gedo

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo  Bishaar Aadan Cabdikariin ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay dhowr qof ku dileen mid kamid ah tuulooyinka hoos taga ururkaas oo ku taalla gobolka Gedo.

Waxaa gudoomiyuhu uu sheegay in dagaal-yahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay hal mar tacshiirad ku fureen qoys dhan ,taasi oo sababtay dhimashada dhowr ruux iyo dhaawaca seddex qof  oo kale oo ay caruuri ku jireen.

“Tuulada Jid wareeg haddii la maro waxa ay magaalada u jirtaa dhowr iyo toban, laakiin haddi webiga laga gudbo todobo KM ayay noo jirtaa, waxa ay tacshiirad ku fureen guriga, halkaasi waxaa ku geeriyooday guddoomiyaha, xaaskiisa, hooyadiis iyo labo kale oo ka mid ah gabdhihiisa, runtii falkaasi aad ayaan uga xunahay” ayuu yiri Bishaar Aadan oo la hadlay idaacadda Radio Muqdisho.

Bashiir Aadan ayaa xusay in dadka dhaawaca ah la soo gaarsiiyay degmada Luuq ,isla markaana xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitalka guud ee degmada ,waxaana uu  tilmaamay  in maamulka uu u gurmaday dadka ay dhibaatadu gaartay.

Ugu danbayn ,ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diray tuulada ay toogashadu ka dhacday ,waxaana lagu soo waramayaa in howl-galada socda lagu baadi-goobayo kooxihii falkan ka danbeeyay.

Faysal Mohamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]