4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Wasiirrada oo ka wadda-hadallaya qorshaha xukuumada ee 100 maalmood

Isniin, Maarso, 16, 2015 (HOL) -- Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku leh magaalada Muqdisho kulan looga wadda hadallayo dar-dargalinta howlaha xukuumada 100 maalmood ee ugu soo horeeya.

Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke oo daah-furay shirka, ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay kulankan uu yahay siddii leysugu xiri lahaa howlaha xukuumadda iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay xukuumadu gaarsiinayso shacabka kuwooda ugu muhiimsan, sida nabada ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta, adeegyada asaasiga u ah bulshada, dhamaystirka maamul-u-samaynta gobollada iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Shirkan gollaha wasiirrada u furmay waa mid soconaya laba maalmood, waxaana laysla meel dhigayaa dar-dar galinta howlaha xukuumadda, waxaana wasiiradu ka doodayaan waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen
100-ka maalmood ee soosocda, waxaana dajinaynaa qorshe lagu qiimaynayo wax qabadkooda, taas oo cadayn u ah inuu jiro isla xisaabtan aan ku wargalinayno shacabka hadba meesha wax marayaan”

“Hadafkeenu waa inaan gaarno xasillooni siyaasadeed iyadoo aan u marayno tanaasul, is af garad iyo ka hortag inuu abuurmo khilaaf. Qorshaha boqolka maalmood waa inaan horseedno sidii aan u asaasi lahayn madal wadatashi ku dhisan oo isku keenta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulashada, arintaan waxaa kaalin buuxda ka qaadanaya sidii laysugu duba ridi lahaa guddi golaha wasiirada ah”

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay ama intaa ku darray in uu qirayo jirintaanka caqabado dhinaca dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay xukuumadda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino shacabka wax qabad la taaban karo.

Ugu danbayntii Ra’iusl wasaaraha ayaa xusay in howlaha ugu waaweyn ee lagu gaari karo xaqiijinta higsiga cusub ay ugu horeeyaan adkaynta amniga, dhamaystirka dowlad goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo
dastuurka, iyo dhisida gudiyada ay baarlamaanku ansixyeen sida gudiga doorashooyinka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya