4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 16, 2015
Weriyayaal, Diblomaasi iyo dad kale oo lagu xiray Congo

Isniin, March 16, 2015 (HOL)-Booliska dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa xabsiga dhigay weriyayaal caalami ah, diblomaasi, kooxaha xuquuqda u dooda iyo fannaaniin, kuwaas oo ka qeyb galayay shir jaraa'id oo looga hadlayay arrimo khuseeye bulshadda rayidka ah ee dalkaasi.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda dadka oo ka kala yimid gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Senegal iyo Burkina Faso, ayaa ka qeyb galayay shir jaraa'id oo ka dhacayay caasimadda Kinshasa, kaasoo lagu soo bandhigayay urur cusub oo ay yeelan doonaan dhalinyaradda Congo, oo loo bixiyay Filimbi.

Kooxahan ayaa ka qeyb qaadanayay tababaro ku saabsan hannaanka dimuqraadiyadda oo loo fidinayay dhalinyaradda Congo.

Diblomaasi Mareykan ah oo ka mid ahaa dadka la xiray, ayaa la sheegayaa in uu weli xabsiga ku jiro.

Wasiirka warfaafinta ee dalkaasi, Lambert Mende, ayaa sheegay dadka la xiray ay ahaayeen muwaadhiniin u dhalatay Senegal iyo Burkina Faso oo dhiirigalinayay kacdoon hubeysan.

Burkina Faso iyo Senegal ayaa labaduba waxaa ka dhacay kacdoon shacab oo looga soo horjeedo madaxweynayaal isku dayay in ay sii dheereystaan mudada xukunkooda.

Madaxweynaha Congo, Joseph Kabila, ayay xilligiisa madaxtinnimadu ku egyahay sanadka soo socda, waxaana bishii January dhintay 40 qof oo ahaa dibad baxayaal kasoo horjeeday sharci mudada u dheereynaya madaxweyne Kabila.