4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 16, 2015
Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay wada-hadal la Furayso kooxda Al-shabaab


 

Isniin, March 16, 2015 (HOL)- Gudoomiyaha aqlabiyadda  barlamaanka Kenya Aadan Ducaale ayaa sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ay wada hadal la yeelato kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ,waxaana uu tilmaamay in arintan ay u xilsaari doonaan odayaasha dhaqaanka iyo hogaamiyayaasha diinta ee dalkaas.

“Hadii aad doonaysaan inaan idiin soo dirno hogaamiyayaasha diinta iyo kuweena siyaasadda waan awoodnaa ee kaliya noo sheega halka uu wada hadalku  ka dhacayo “ ayuu yiri Aadan Ducaale oo ku hadlayay luuqadda afka Soomaaliga.

Inta ka dib gudoomiyaha ayaa difaacay hadalka ka soo yeeray isaga oo hogaanka Soomaaliya ku eedeeyay ku guul-daraysiga xakamaynta kooxahan ,waxaana uu xusay in ay garanayaan cuqaasha beelaha ay ka soo jeedaan xubno kamid ah ururka Al-shabaab,isaga oo sheegay in fariinta ay u dirayaan ay tahay in ay Kenya isaga baxaan.

“Wey caddahay sida dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan aysan u doonayn dagaalka kooxahan ,sidaa darteed waxaan ka dalbanaynaa madaxweynaha inuu raadiyo ogolaansho ay ku sii shaqayn karaan ciidamada Kenya “ ayuu yiri Aadan Du’aale.

“Guulaha aad ka doonaysaan Soomaaliya idinka ayey idin quseysaa ,laaakinse ka daaya Kenya weerarradiina ,Soomaalida halkan dagan waxa ay Kenya ku joogaan nabad iyo xoriyad,waxaan diimaheena u haysanaa si xor ah. Caruurteena waa loo ogolyahay in si haboon ay u labistaan halka sidoo kale naloo ogolyahay inaan dhisanno goobo cibaado iyo iskuuulo “ ayuu mar kale yiri Ducaale.

Waxaa kaloo masuulkan uu ka dalbaday Soomaalida in aysan Kenya dhibaato u keenin ,isaga oo Al-shabaab ugu baaqay in weerararda ay ka daayaan  goobaha kala ah Gaarisa ,Wajeer ,Mandhera iyo waliba xaafadda Islii.

Guddoomiye Ducaale ayaa tilmaamay in Soomaalida Kenya ay kaalin firfricoon ku leeyihiin siyaasadda iyo waliba dhaqaalaha ,waxaana uu sheegay in suurtagal aysan ahayn in Al-shabaab ay maalin kasta soo weeraraan dalka Kenya.

Ugu danbayn,hadalka gudoomiyaha ayaa yimid 24-saac ka dib markii kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo uu la socday guddomiyaha Mandhera ,waxaana weerarkaas lagu dilay afar ruux halka sideed qof oo kalena lagu dhaawacay.

Faysal Mohamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]