4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Shir wadatashi ah oo maanta ka furmey magaalada Beledweyn ee G. Hiiraan

Axad, Maarso 15, 2015 (HOL)- Kulan wada-tashi ah oo looga arrinsanayo ayaaha iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan oo ay ka qeyb galeen aqoonyahanno, odayaal dhaqameed, dhallinyaro iyo xubno ka tirsan ururada haweenka, ayaa maanta ka furmay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shirkan oo loogu gogol xaarayo kulan ballaaran oo la fillayo in 23-ka bishan uu ka furmo magaalada Beledweyne,ayeey dhinacyadii ka qeyb-gallay si qota dheer u hadlleen wacyiga siyaasadeed ee maanta dalku marayo, gaar ahaan dhismaha maamul gobolleedyada, iyaga oo si gaar ah diirada u saaray gobolka Hiiraan oo ay ku tilmaameen in uu qeyb ka yahay 8 gobol lagu aas-aasay Jamhuuriyada Soomaaliya.

"Gobol Hiiraan waxaa uu astaan u yahay Qarannimada Soomaaliya, madaama uu qeyb ka ahaa 8 gobol ee lagu aas-aasay Jamhuuriyada Soomaaliya, waa gobol dhaca goob istiraaji ah, iskuna xirra gobollada koonfureed iyo waqooyi ee dalka Soomaaliya, sidaa daraadeed ujeedada kulanka iyo kulamada soo socda waxa ay noqonaysaa sidii ay bulshada ku dhaqan go'aan mideysan  uga gaari laheyd mustaqbalkiisa siyaasadeed ee ku aadan dhismaha maamul goboleedyada iyo fursadda uga banaan hirgalinta nidaamka federaal-ka iyadoo arrimaha laga eegayo dhinacyo badan" ayaa lagu sheegay qoraal hor dhac ah oo ka soo baxay kulankii maanta.

Sidoo kale, qoraalka ayaa ugu baaqaya dhamaan xildhibaannada,siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ka soo jeeda gobolka ugu danbeyn in ay soo gallaan  ilaa 22-ka bishan aynu ku jirno si looga wadda qeyb galo kulanka la fillayo in 23-ka bishan uu ka furmo magaalada Beledweyne.

Odayaashii ka qeyb galay kulanka ayaa ka digay kulammada iyo shirarka looga hadlayo dhismaha maamul gobolka Hiiraan uu la wadaago gobol kale, ilaa inta mowqif mideysan oo arrintaa la xiriira ka gaarayaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Kulammada ayaa sii socon doona iyadoo ay jiraan guddiyo loo saaray in ay ka shaqeeyaan soo diyaarinta ajandaha shirweynaha la fillayo in 23-ka bishan uu si rasmi ah uga furmo magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya