4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Shirka dib u-eegista Waxbarasahda Puntland oo Maanta ka Furmay Garowe


Axad, March 15, 2015 (HOL)-Madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka gayb-galay shirkii labaad ee dib u eegista waxbarashada Puntland ,waxaana uu daba socdaa mid ka horeeyay oo la qabtay sanadkii hore ee 2014-ka.

Inta badan golaha wasiirada Puntland ,wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Khadra Bashiir Cali ,madax ka socotay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ee taagera Puntland ayaa goob-joog ka ahaa shirkan oo ka dhacay xarunta hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC.

'Runtii wasaaradani waxay noo tahay wasaarad ku dayasho mudan marka la eeego shaqada ay hayso iyo guusha ay u soo hoysay Puntland, waana ku mahadsan yihiin halka wanaagsan ee ay maanta gaareen '' ayuu yiri Madaxweyne Gaas oo shirka ka hadlay.

''Hadii aynaan dadkeena waxbarin, hadii aynaan teknoolajiyad yeelan, hadii aynaan kaabayaasheena dhaqaalaha horumarin aqoon mahelayno, horumarna samaynmayno meelna ma gaarayno ''ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ah ay ka shaqaynayso sidii loo midayn lahaa manaahijta waxbarashada Soomaaliya oo dhan.

“Dhamanteen waan ka war-qabnaa muhiimadda ay leedahay inaan helno waxbarasho midaysan ,dowladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay Puntland wada shaqayn dhow yeeshaan “ ayey tiri wasiiradda oo khudbad ka jeedisay shirka.

Ugu danabayn, madaxweynaha Puntland iyo wasiirka waxbarashada Cali Xaaji Warsame ayaa ka sheegay shirkan oo laba maalin socon doona in waxbarashada Puntland la gaarsiin doono heer sare ,waxaana madaxweyne Gaas uu goobta ka sheegay in tirada macalimiinta ka shaqaysa Puntland lagu kordhin doono 200 oo macalin.

Faysal Mohamed Hassan
Hiiraan Online
[email protected]