4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Dowladda Masar oo Dhismaha Caasimad Cusub ku qarash-garaynaysa 45 Bilyan


Axad, March 15, 2015 (HOL)-Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu dhisayo caasimad cusub,taasi oo laga yagleeli doono bariga magaalada Qaahira si loo dhimo dadka tirada badan ee buux dhaafiyay Qaahira.

Wasiirka deegaamaynta Masar Mustafa Madbuuli ayaa sheegay in mashruucan ay ku bixin doonto lacag gaaraysa $45bn ,isla markaana ay qaadan doonto in la dhamaystiro shan ilaa iyo todobo sano.

“Ujeedka arintan waa in la dhimo dad badinada sii kordhaysa ee halkan ka jirta 40-ka sano ee soo socota “ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay shir ku saabsan maalgashiga Masar oo ka socda magaalada Sherm ElShiekh.

Dowladda Masar ayaa shirkan looga hadlayo maalgashiga ka rajaynaysa in wadanka  uu helo fursado cusub oo dowladaha Jaamacadda Carabta ay dib mar kale ugu maal-gashan karaan Egypt ,iyadoo la filayo in dhaqaale dhan $12bn lagu maal-galiyo dalkaas waqtiyada soo socda.

Waxaa la qorsheeyay in xarumaha dowladda sida dhismaa barlamaanka ,madaxtooyada iyo wasaaradaha guud ee Masar dhamaantood loo wareejiyo caasimaddan cusub ,waxaana wasiir Mustafa Madbuuli uu sheegay in ay ka dhigi doono caasimad addduun.

Ugu danbayn ,dadka mashruucan ka shaqaynaya ayaa sheegay in magaaladan ay yeelan doonto 2,000 oo goobo waxbarasho ah iyo 600 oo ah xarumaha caafimaadka sida isbitaaalo ,iyadoo mashruucan laga filayo in uu shaqo abuur u sameeyo dad ka badan hal milyan oo ruux.

Faysal Mohamed Hassan
Hiiraan Online
[email protected]