4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Madaxweynaha Somaliland oo mar labaad isku-shaandheyn sameeyey

/images/gallery/2014525635365878440435565siilaanyo.jpg

Axad, Maarso 15, 2015 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa mar labaad isku-shaandheyn kooban ku sameeyey golaha wasiirrada.

Isku-shaandheynta oo dhacday xalay, waxay saameyn ku yeelatay qaar kamid ah wasiirrada, wasiiru dowleyaasha iyo madaxda hay'adaha dowliga ah sida: Bankiga Dhexe iyo Wakaaladda Biyaha.



Qaabkan ayey isku-shaandheyntu u dhacdey:

Wasiirka cusub ee  Wasaaradda Beeraha waxaa loo soo magacaabay Maxamed Aw-daahir Ibraahim iyadoo wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole loo wareejiyey Wasaaradda Waxbarashada kadib markii uu dhowaan xilkaas iska casiley Cabdicasiis Samaale.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Wershedaha waxaa loo soo magacaabay Shuceyb Maxamed Muuse  kadib markii uu dhowaan sidoo kale xilkaas iska casiley Abiib Diiriye Nuur.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxamed Faarax Ducaale.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Biyaha , Cabdisalaan Maxamed Xasan.
Maareeye ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha, Cismaan Cabdullaahi Hirad.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdullaahi Jaamac Cali.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Yuusuf Axmed Cilmi.
Guddoomiye ku-xigeenka Hawd, Warsame Faarax Ibraahim.

Saddex mas'uul ayaa is-beddelka dhacay xilalkoodii ku waayey, waxayna kala yihiin:

  1. Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL.
  2. Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Hawd ee JSL.
  3. Cismaan Xuseen Warsame, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka.
Labo todobaad oo qura ayaa laga joogaa markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland isku shaandheyn ugu sameeyey golihiisa wasiirrada, waxaana xusid mudan in qaar kamid ah mas'uuliyiintii is bedelku saameeyey xilalkii loo soo magacaabay iska casileen.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale ayaa ka cudur daartey inuu qabto xilka Wasiirka Maaliyadda oo loo soo magacaabay isku-shaandheynta kadib, sidoo kale waxaa xilka Wasiirka Wershedaha iska casiley Abiib Diiriye Nuur.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya