4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo isku shaandheyn labaad ku sameeyey golihiisa xukuumadda

Axad, March 15, 2015 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiiradda iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo qaarna eryey, kuwo kalana magacaabay, halka qaar kalana isku bedelay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxu soo buuxiyey wasiiro xukuumadda iska casilay, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey boosaskooddu banaanaa, isla markaana dadku hadal hayeen cidda buuxin doonta.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3082/032015, uu ku magacaabay  saddex wasiir, laba wasiiru-dawle, agaasime guud, Gudoomiyaha banka dhexe, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka hawd iyo Maareeye ku xigeenka Wakaalada Biyaha, isla markaasina xilalkii ay qaranka u hayeen  kaga qaaday saddex masuul oo
kale.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda.

Wasiiradda cusub iyo kuwo la isku bedelay waxay kala yihiin:

1       In Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
ee Jamhuuriyadda Somaliland, (Bedel) hore wasiirkii Wasaaradda beeraha
2       In Mudane, Shucayb Maxamed Muuse, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
3       In Mudane, Maxamed Aw Daahir Ibraahin, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee Jamhuuriyadda
Somaliland
4       In Mudane, Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee
Jamhuuriyadda Somaliland
5       In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda
Somaliland
6       In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda
Somaliland

7       In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Cali, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland
8       In Mudane, Cismaan Cabdilaahi Hirad, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Hargeysa
9       In Mudane, Warsame Faarax Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda
Somaliland

Masuuliyiinta xilalkooddii waayey ee madaxweynuhu ku amray inay degdeg
xilalkii ay hayeen ku wareejiyeen masuuliyiinta cusub waxa ka mid ah:
1.      Mudane, Cabdi Dirir Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee JSL
2.    Mudane, Khadar Xasan Xirsi, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee
Gobolka Hawd ee JSL
3.      Dr. Cismaan Xuseen Warsame,  Agaasimihii Hore ee Wasaaradda
Caafimaadka     .

“Waxaan aad idinku mahadinayaa muddadii aynu soo wada shaqaynay.
Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid
hanan karta loo dhiibo.  Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka
qaado xilalka Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiye Ku-xigeenkii
Gobolka Hawd iyo Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda
Somaliland.”ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.