4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 15, 2015
Qunsuliyadaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Sucuudiga oo la xirey
Axad, Maarso 15, 2015 (HOL) - Safaaradda Maraykanka ee dalka Sucuudiga ayaa hakisey muddo labo maalmood ah shaqooyinkii qunsuliyadaha magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Dhahran.

War-qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaadey sababo ammaanka la xiriira maadaama la helay xog sheegaysa in kooxo argagixso ahi qorsheynayaan weerar ay la beegsadaan shaqaalaha reer galbeedka ee ka hawlgala shirkadaha shidaalka Sucuudiga.

Dhanka kale, safaaradda ayaa digniin u jeedisey muwaadiniinta Maraykanka ee doonaya inay dalka Sucuudiga usoo safraan. Dadka waxaa loogu baaqay inay feejignaan dheeri ah qabaan islamarkaana yareeyaan safarrada laga maarmi karo ee ay Sucuudiga dhexdiisa ku marayaan.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku waxay ku boorrineysaa muwaadiniinta Maraykanka ah inay taxadar dheeri ah ka qabaan khatarta ka dhalan karta u safridda dalka Sucuudiga iyo in ay xadidaan safarrada aan daruuriga ahayn ee ay dalkaas dhexdiisa ku marayaan" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Goobaha dadku isugu yimaadaan sida suuqyada iyo boosteejooyinka basaska iyo tareenada laga raaco ayaa muwaadiniinta Maraykanka lagu war geliyey inay ka fogaadaan, waxaa sidoo kale loo sheegay inay sii qorsheystaan qaabka ugu fudud ee ay Sucuudiga uga soo bixi karaan haddiiba xaalado deg deg ahi yimaadaan.

Maraykanka iyo Boqortooyada Sucuudiga waxaa ka dhexeeya xiriir dhaqaale iyo mid diblumaasiyadeed oo xooggan, waxaana xusid mudan in Sucuudiga yahay saaxiibka koowaad ee Maraykanka marka laga hadlayo dalalka Khaliijka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya