4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somalia oo loogu soo dhaweeyay Nairobi

Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) - Xaflad soo dhaweyn ah ayaa maanta loogu sameeyay Magaalada Nairobi, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlada Somalia Maxamed Abdullahi Hassan (Nuux) oo booqasho ku joogo wadanka Kenya.

Xaflada oo ka dhacday Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo horay xilal oga soo qabtay Somalia iyo qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya.

Cabdikariin Maxamed Cali iyo Prof Maxamed Cali Ibraahim oo horay wasiirro oga soo noqday dowladihii soo maray Somalia iyo Cabdifitaah Axmed Muumin oo isagana horay u soo noqday Xildhiibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia oo ka qeyb galay Xafladaas,ayaa taageero u muujiyay dowlada federalka, waxeyna sidoo kale ku aamaaneen Wasiirka cusub howlaha loo igmaday.

Wasiir Nuux oo hadal ka jeediyay xafladaas, ayaa oga waramay dadkii ka qeyb galay halka ay hada mareyso xaalada Somalia, wuxuuna tilmaamay dhibaatooyinka haysto da'yarta Soomaaliyeed iyo waliba himilooyinka ay dowladiisu higsaneyso.

"Dadka Soomaaliyeed waa in ay tixgaliyaan nabad galyada iyo amniga, isla markaasna ay ka tanaasulaan wax kasto oo colaad sababi karo",  ayuu yiri Wasiirka oo ku amaanay jaaliyadaha Soomaaliyeed sida ay oga qeyb qataan gurmadka loo sameeyo dadka gudaha ku dhibaateysan iyo horumarinta waxbarashada Somalia.

Maxamed Abdullahi Hassan Wasiirka Dhalinyarada iyo Sports-ka, ayaa sidoo kale ku booriyay ganacsatada Soomaaliyeed iney dib ugu noqdaan Soomaaliya, ayna Maal-galin ku sameeyaan wadankooda.

"Waxaan ku dhiiri galinayaa Ganacsatada Soomaaliyeed iney ku laabtaan dalkii oo ay Maal-gashadaan. Shaqooyina ay u sameeyaan dhalinayarada maxaa yeelay waxyaabaha ugu badan ee dhibaatooyinka keenaayo waa shaqo la'aanta", ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka, ayaa u sheegay dadkii ka qeyb galay xafladii lagu soo dhaweynaayay in wax badan ay iska badaleen ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Somalia, ayna hada jiraan isbadalo muuqdo oo laga sameeyay gudaha Somalia.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya