4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 14, 2015
Khamri lagu burburiyey magaalada Laascaanood iyo xukun lagu ridey dadkii wadey

Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) - Khamri Gaadhaya 120 dhalo iyo mid caagado ku jirey ayaa lagu baabiiyey magaaladda Laascaanood ka dib markii maxkamada gobolku ay xukun ku ridey gaadhigii iyo dadkii wadeyba.

Xasan sheekh Maxamuud Sheekh Cumar gudoomiyaha maxkamadda gobolka Sool ayaa ku dhawaaqay xukunka dadkii iyo Gaadiidkii sidey oo ganaax lacageed lagu xukumay.

"Maxkamadu waxay ninkii Kharigan sidey ay ku xukuntay iyadoo raacaysa sharciga qaanuunka iyo iyo ka diiniga ah 3 sano oo xadhig ah iyo 4 milyan oo ganaax lacagta Somaliland oo hadii uu bixin waayo xadhig loogu bedeli doono" ayuu gudoomiyuhu sheegay waxa kale oo 3 milyan oo shilin lagu xukumay gaadhigii sidey, waxana uu racfaan u furan yahay buu yidhi mudo sharci ah.

Cabdiraxmaan Nuur Colhaye taliyaha qaybta booliska gobolka Sool oo ka hadlay goobta lagu burburinayey khamrigaasi ayaa sheegay inay wadaan olole ay kula dagaalamayaan maan-dooriyaha, waxana uu u mahad celiyey ciidankii garabka ka geystey soo qabshada.

"Waxaa hada noo dhamaaday liiska dadka ka ganacsada keenida iyo iibinta Khamriga waxaana maalin dhow soo qabanaynaa iyadoo aan cadayn loo raadin" ayuu yidhi Colhaye, waxaanu sheegay in ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay u soo afjari lahaayeen ilaha uu khamrigu ka soo galo gobolka Gudoomiyaha degmada Laascaanood Maxamed Jaamac Saalax iyo Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool  C/rashiid Xirsi Dalmar ayaa uga mahad celiyey hawlgalka ciidanka Booliska, waxaanay bulsha ka codsadeen in gacan laga siiyo sidii looga qaban lahaa maandooriyaha.

Talaabadan ayaa ah mid ku soo beegantay xil magaaladda Laascaanood ay ka jiraan dhibaatooyin uu sababo Khamriga iyo maandooriyayaal kaleba xiliga habeenikii, waana mid adag in si dhaqso ah wax looga qabto

Seynab  C. Warsame
[email protected]