4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2015
Saraakiisha ammaanka dalka Kenya oo booqanaya degmada Mandheera


Sabti, Maarso 14, 2015 (HOL) Isbatooraha Guud ee Ciidamada Booliska  Kenya Joseph Boinett iyo saraakil sare oo dhanka ammaanka qaabilsan, ayaa maanta oo Sabti ah booqanaayo magaalada Mandheera kaddib weerar ay dad ku dhinteen oo shalay lagu qaaday Guddoomiyaha degmadaas.

Joseph Boinett, ayaa waxaa ku weheliya safarkiisa Joel Kitili oo ah taliyaha guud ee ciidamada GSU (General Service Unit), Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidamada Birmadka ee AP-da Kenya iyo khubaro ku xeel dheer arrimaha Bambaanooyinka.

Masuuliyiintaas ayaa saaka abaaro 7:20 wakhti bariga Africa, waxey ka tagay magaalada Nairobi iyagoona ku sii jeedo magaalada Mandheera oo lagu sheegay iney ka jiraan xaalado amni daro.

Dhanka kale diyaarad Ciidamada Booliska ay leeyihiin, ayaa saaka loo diray magaalada Mandheera si loogu soo qaado dadkii shalay ku dhaawacmay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Guddoomiyaha degmada Mandheera Cali Ibraahim Roba, waxaana wararku ay sheegayaan in dhaawacyadaas qaarkood ay yihiin kuwa culus lana filaayo in la la soo gaarsiiyo Nairobi abaaro 2-duhurnimo ee maanta.

Amniga magaalada Mandheera, ayaa isna maanta aad loo adkeyay waxaana lagu wadaa masuuliyiintaas iney la kulmaan madaxda magaalaas iyo waliba laamaha amniga qaabilsan.

Shalay ayey aheyd markii Kolonyo baabuur ka koobneyd ilaa todob, oo uu la socday Guddoomiyaha degamada Mandheera Ali Ibrahim Roba ay wadada u galeen Ururka Al shabaab, xili ay ka tageen magaalada Mandheera isla markaasna ay ku sii socdeen magaalada Ceel-Waaq. Waxaana ku dhintay weerarkaas ilaa saddex qof halka dad toban ku dhowna ay ku dhaawacmeen.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya