4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 13, 2015
Puntland oo Cambaareysay Weerarradii ay Al-shabaab ka Geysatay Baydhabo

Jimco, Maarso 13, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa canbaareeyay weerarro ay dad tiro ah ku geeriyoodeen oo shalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada maamaulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

“Puntland waxa ay ka xuntahay ,isla markaana tacsi u diraysaa dadkii ku wax-yeeloobay qaraxyadaas oo ay ku jiraan ciidamada maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM, “ ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Garowe.

Waxaa kaloo lagu xusay war-saxaafadeedkan in Puntland ay la dhacsan tahay sida ciidanka maamulkaas ay isaga difaaceen kooxihii weerarka ku soo qaaday madaxtooyada, kuwaasoo ay Puntland sheegtay inay ka war-hayso khasaaraha la gaarsiiyay.

“Madaxweynaha Puntland Cabdi-wali Maxamed Cali Gaas wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay dhiiga Soomaaliyeed ee mar walba ay daadinayaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab,“ ayaa mar kale lagu xusay war-saxaafadeedka.

Ugu yaraan 10-qof oo isugu jira ciidamada Somalia, Itoobiya, xoogaggii Al-shabaab iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday weerarkan oo ismiidaamin ahaa,isla markaana ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo oo uu xilligaas ku sugnaa madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan.

Maamulada Puntland iyo Koonfur-galbeed ayaa la sheegay in xiriir dhow uu ka dhaxeeyo, waxaana Puntland ay wafdi u dirtay xafladii caleema-saarka madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan oo Baydhabo ka dhacday bilo ka hor.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]