4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
RW Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jabuuti


Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta booqday xarunta baarlamaanka dalka Jabuuti, isagoo kula kulmay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dalkaas, Maxamed Cali Xumad iyo qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka Jabuuti; wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dawladood iyo wada-shaqaynta xoogan ee ka dhaxaysa labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sharma’arke ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee dalka Jabuuti oo xilka loo magacaabay. RW Somalia ayaa mar kale ku celiyay in uu uga tacsiyaynayo dowladda iyo shacabka Jabuuti geeridii ku timid Allaha u naxariistee Idriss Arnaoud Ali oo aha guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jabuuti.

“Farxad ayay ii tahay maanta inaan soo booqdo dhismaha baarlamaanka dalka Jabuuti oo ah mid cusub. Waxaa jira guddiyo baarlamaan oo ka tirsan labada dal, kuwaasoo si xoogan uga shaqeeya in wada-shaqayn buuxda ay yeeshaan mudanayaasha baarlamaanka; isla markaana ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibrado loogu adeegayo shacabka labada dal,” ayuu Cumar u sheegay warbaahinta kulanka kaddib.

Ugu dambeyn, RW Soomaaliya ayaa yiri. “Waxaan uga mahad-celinayaa baarlamanka iyo shacabka Jabuuti taageerada ciidan ee ay u fidiyeen Soomaaliya. Dowladda iyo shacabka Jabuuti waxay mar walba ay la garab-taagnaayeen Somalia taageero hiil iyo hooba leh tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta carta ee dowladda Jabuuti ay marti-gelisay, waana sii xoojin doonnaa xiriirka iyo iskaashiyada u dhaxeeya labada dal.”

Sharma’arke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay tagay waddanka Jabuuti, isagoo isla shalay la kulmay madaxweynaha dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaarihiisa oo ay kawada hadleen xaaladda Somalia iyo xiriirka Jabuuti iyo Somalia ka dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya