4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 12, 2015
Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda Somalia, kuwa AMISOM & Al-shabaab

Khamiis, Maarso 12, 2015 (HOL) — Iska-horimaad culus ayaa xalay gobolka Gal-guduud ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan oo aan la ogeyn khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ood-weyne oo u dhexeeya degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuuso-mareeb.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu qarxay kaddib markii xoogag ka mid ah kuwa Al-shabaab weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa Somalia oo maxaabiis kasoo qaaday degmada Ceelbuur.

“Al-shabaab waxaan dagaalka kaga gubnay gaari kuwa dagaalka ah, waxaan xaqiijin karaa inay maydad iyo dhaawacyo u qaateen deegaannada ay gobolka Galguduud kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Cabdi C/llaahi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Galguduud.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa xusay inaysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray dhankooda iska-horimaadkii xalay dhacay, kaasoo socday saacado dhowr ah. Inkastoo deegaankii lagu dagaalamay ay xaaladdiisu manata deggen tahay.

Ciidamadii dowladda iyo kuwii AMISOM ayaa saakay u soo dhaqaaqay dhanka degmada Dhuuso-mareeb iyagoo wada maxaabiistii ay Ceelbuur kasoo qaadeen, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka tirsan maamulka guud ee gobolka Galguduud.

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab ma jiro illaa hadda hadal kasoo baxay oo ku saabsan dagaalka xoogagooda iyo ciidamada huwanta ah ku dhexmaray qaybo ka mid ah gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya