4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
RW Somalia iyo Madaxweynaha Jabuuti oo kawada Hadlay Arrimaha Somalia


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Jabuuti ku tagay booqasho rasmi ah, iyagoo kulamo la qaaatay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele iyo ra’iisul wasaarihiisa, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed. Waxaaa loog hadlay kulammadaan adkaynta xiriirka iyo is-kaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Somalia waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda, C/salaam Hadliye Cumar, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jaamac (Jaan-gali), wasiir-u-dawlaha gaashaandhigga, Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale.

Sharma’arke ayaa ku ammaanay dalka Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay mar walba la garab-taagan tahay Somalia iyo ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, kuwaasoo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Somalia iyo madaxweynaha Jabuuti oo yeeshay kulan labo saacadood socday ayuu Sharma’arke wuxuu warbixin guud ka siiyay Geelle xaaladda guud ee dalka Somalia iyo qorshaha dawladda ee Hiigsiga 2016-ka, kuwaasoo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada, dib-u-heshiisiinta, dar-dar-galinta shuruucda, dhameystirka maamullada gobol-lada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay ka dhaco dalka iyo howl-galinta maamullada hadda jira.

“Waxaan marka hore ka mahad-celinayaa soo dhaweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay madaxweynaha Jabuuti; waxaana kawada hadalnay xoojinta xiriirkeenna iyo adkaynta iskaashiga naga dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeenna.

Sidoo kale, Sharma’arke wuxuu uga mahad-celinayaa xukuumadda Jabuuti taageerada kala duwan ee Somalia ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay inay kaalin muuqata ka qaadato nabad buuxda oo ka dhalata Somalia iyo dhismaha haya’adaha dowladda, iyadoo haddana diyaar u ahay inay gacan ka geysato hir-gelinta . aragtida Hiigsiga 2016-ka.

Ugu dambeyn, Sharma’arke ayaa intuu joogo waddanka Jabuuti wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalkaas, isagoo sidoo kale booqan doona dakadda dalka Jabuuti iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya