4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
MAAREEYE: Dowlada Mareykanku Waxay Horumarinaysaa Waraabhinta Dalka


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta Nairobi kula kulmay Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Somalia, James P. McAnulty, ku xigeenkiisa Brian Phipps iyo madaxa warbaahinta safaaradda USA ee Nairobi qaybteeda Soomaaliya.

Maareeye iyo xubnaha Mareykanka ah ayaa kawada hadlay marxalada dalku marayo iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta Somalia. Iyadoo wasiirku uu yiri. “Mareykanka waxay Horumarinayaan warbaahinta Somalia. Waxaana ku faraxsanahay in shirka uu ahaa mid muhiim u ah warbaahinta dalka oo ay ku jiraan warbaahinta madaxa-bannaan,”

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ku fasaxsan yihiin horumarka ay sameynayso dawladda Somalia iyo inay ka go’an tahay sidii Soomaaliya ay u noqon lahayd dal nabad ah oo horumar ballaaran ka sameeya dhinac walba, tanoo ah mid Mareykanka iyo caalamkuba dan u ah.

Ugu dambeyn, Maareeye ayaa maalmahan waday qorshayaal iyo hababka lagu horumarin karo warbaahinta Somalia. Iyadoo warbaahinta dalka ay u qorsheysan tahay wacyigelinta bulshada, isku-xirka bulshada iyo dowladda iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya