4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 11, 2015
Shir looga hadlayay Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo Gunaanaday Nairobi


Arbaco, Maarso 11, 2015 (HOL) — Shir saddex maalmood socday loogana hadlayay maal-gashiga Somalia ayaa lagu soo gunaanaday xarunta dalk Kenya ee Nairobi, iyadoo shirkan ay ka qayb-galeen hay’adaha maal-gashiga sameeya iyo ganacsato Somali iyo ajaabin ah.

Kulanka oo shalay lasoo gunaanaday ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 150 hay’adood iyo 300-qof oo isugu jira shaqsiyaad iyo ganacsato, iyadoo uu ka dhacay shirkaan hoteelka Safari Park ee magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiintii ka socday hay’adaha iyo ganacsatadii shirkaan ka qayb-galay ayaa sheegay inay Somalia ka jiraan fursado maal-gashi lagu sameyn karo, kuwaasoo ay ka mid yihiin; kalluumeysiga, hawada iyo cadceedda oo laga dhalin karo koronto iyo beeraha.

Xubnaha ka qayb-galay kulanka ayaa sheegay in Somalia ay tahay waddanka ugu koronto qaalisan dunida oo dhan, iyadoo koronto raqiis ah laga dhalin karo cad-ceedda iyo dabeysha.

Hay’adihii iyo ganacsatadii ka qaybgalay shirkan ee Soomaalida ahaa ayaa intood badan ka yimid Somaliland iyo Puntland, iyadoo ay aad u yaraayeen maal-gashadayaasha iyo ganac-sato ka socday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya hay’adihii shirka soo qabanqaabiyay iyo kuwii ka qayb-galay ayaa ku faahfaahiyay waxyaabihii shirka looga hadlay iyo qodobbadii laga dooday.

Haddaba, HOL ayaa weydiisay agaasimaha hay’adda Shuraako soo qaban-qaabisay shirka, Lee C. Sorensen su’aal ahayd, sababta ay kulankan uga soo qayb-geli waayeen hay’ado iyo ganacsato ka socda Koonfurta Somalia ayaa ku jawaabay.

“Inkastoo aana hadda sheegi karin hay’adaha iyo ganacsatada shirkaan kasoo qayb-galay goobaha ay ka kala yimaadeen iyo siday u yimaadeen, haddana waxaa dhici karta inay u baaqdeen sababo dhinaca dal-ku-galka ah, maadaama heli-taanka fiisaha dalka Kenya uu yahay mid aad u adag.”

Sidoo kale, HOL ayaa mar kale weydiisay agaasimaha Shuraako in shirkaan kan xiga lagu qaban karo Soomaaliya iyo in kale, maadaama maal-gashiga Soomaaliya looga hadlayo, wuxuuna ku jawaabay mar kale. “Aad iyo aad ayay u fiicnaan lahayd in lagu qabto shirkan kan xiga Somalia, balse taas waan ka fikiraynaa in ay suuro-gal noqon karto iyo in kale.

Waxaa iyadana goobta ka hadashay haweeney shirka ku matalaysay bangiga Adduunka, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay in kalluumeysiga Soomaaliya si cilmiyeysan looga faa’iideysto, iyadoo laga digtoonaanayo in la qaldo habka looga faa’iideysan karo kalluu-meysiga Somalia, si dadka Soomaaliyeed ay faa’iidooyin badan uga helaan kalluumeysiga.

Ugu dambeyn, madaxa qaybta Somalia ee hay’adda Shuraaco C/kariin Gole ayaa HOL uga warramay aasaaskii iyo howlaha ay qabato hay’addan, iyadoo hay’adda Shuraako uu sal-dhiggeedu yahay magaalada Denvar ee gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

Si kasta ha ahaatee, shirkan ayaan ahayn kii ugu horreeyay oo looga hadlay maal-gashiga Somalia oo ka dhaca dalka dibaddiisa, iyadoo shirkii magaalada Nairobi ay ganacsatadihii iyo hay’adihii ka qaybgalay isku raaceen in xilligan ay Somalia ka jiraan fursado badan oo dhanka maal-gashiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya