4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Madaxweyne ku xigeenka Puntland & Wafdi uu Hogaaminayo oo Xamar yimid


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi X. Cumar (Camey) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyadoo booqashadiisan ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu Muqdisho ku yimaado tan iyo markii xilkan qabtay.

C/xakiin Camey iyo wefdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo sheegay in socdaalkiisa uu yahay mid uu ku doonayo inuu kulammo kul qaato madaxda dowladda federaalka Somalia.

“Socdaalka aan ku nimid Muqdisho aniga iyo wafdigeyga waa mid salka ku haya sidii aan kulammo ula yeelan lahayn madaxda dowladda Somalia oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu madaxweyne ku xigeenka Puntland u sheegay warfidiyeenka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ma uusan sheegin waxyaabaha uu kala hadli doono madaxda dowladda federaalka Somalia, balse wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dhammaan madaxda dalka ay la kulmi doonaan.

Dhanka kale, Cabdixakiim Camey iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay maalinta berri ah oo keliya joogaan Muqdisho, isagoo markaas kaddib uga sii ambabixi doono waddanka Jabuuti, halkaasoo uu maalin joogi doono.

Ugu dambeyn, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in madaxda dalka Jabuuti uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, ammaanka iyo ganacsiga dalkaas iyo Puntland ka dhexeeya.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa bishii la soo dhaafay booqasho saddex maalmood qaadatay ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kaga qayb-galay kulan dhex-maray madaxda maamullada gobollada Somalia qaarkood iyo mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya