4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
Kulan guddiyada baarlamaanka Soomaaliya uga furmay Kampala (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,  Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Kampala ee dalka Uganda uga furay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Somalia kulan la xiriira dejinta qorshayaasha kal-fadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan furmaya.

Kulan howleedkan oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa waxaa furista kulankaan ka qayb-galay guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah golaha  baarlamaanka Soomaaliya, mas'uuliyiin ka socotay safaaradda Somalia ee dalka Uganda iyo xubno ka tirsan hay'adda AWEPA oo kulankaan fududeeynaysa.

Guddoomiye ku xigeenka baarlmaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka kulanka ayaa ugu horreyn sheegay in xubnaha guddiga joogtada ah ee baarlamaanka laga doonayo inay dib u eegaan 5-tii kal-fadhi ee uu horay u yeeshay baarlamaanku wixii ku qabsoomay iyo kal-fadhiga 6-aad ee furmaya waxyaabaha la doonayo in muhiimad gaar ah la siiyo; isagoo dhinaca kalena xusay in guddiga looga baahan yahay inay u dajiyaan xuquuq mas'uuliyiintii horey xilalka uga dagay.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Jawaari oo hadal ka jeediyay furitaanka kulan howleedkan ayaa sheegay in xubnaha guddiga joogtada ah ay tahay inay sameeyaan ka baaraan-degid la xiriira qorshayaasha kal-fadhiga soo socda baarlamaanka, isagoo si gaar ah u tilmaamay hirgelinta guddiyada madaxa-bannaan ee lagama maarmaanka u ah hiigsiga 2016-ka; kuwaasoo shuruucdooda horay loo ansixiyay.

Kulan howleedkan magaalada Kampala uga furmay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa qayb ka ah kulammo howleedyo, aqoon-is-weeydaarsiyo Kampala uga soconaya guddiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya inta lagu gudo jiro fasaxa baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya