Soolarada dabka dhaliya oo lagu wareejiyay Isbitaalka Kismaayo [SAWIRRO]
Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Maamulka Jubba ayaa maanta Soolarro loo isticmaalo dabka ku wareejiyay isbitalka guud ee degmada Kismaayo, iyadoo qalabkani uu yahay mid casri ah oo looga maarmi doono Matoorradii uu markii hore isticmaali jiray isbitaalka.
Qalabkan qoraxda dabka ka dhaliyaha ayaa ah mid ay ku deeqday dowladda Norway, waxaana maanta si rasmi ah loogu wareejiyay isbitalka, iyadoo Soolarradan ay xirayeen injineerro isugu jira Soomaali iyo caddaan.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Jubbaland Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan uu wax weyn ka tari doono baahidii dhanka dabka ee ka jirtay isbitalka, isagoo xusay in hore qarasha aad u badan loogu bixin jiray korontada balse hadda laga maarmi doono.
Sidoo kale gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni iyo gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max’ed Yuusuf (Timajilic) oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway qalabkan Solarka ee ay gudoonsiisay, iyagoo sheegay in isbitalku yahay goobta ugu muhiimsan ee adeegga bulshada.
Qalabkan Soolarka ah oo laga soo iibiyay dalka German ayaa waxaa rakibay injineerro u dhashay dalkaasi, iyadoo injineerrada qalabkani rakibaya ay sheegeen in Soolarku wato Batariyaal dabka Keeydiya, kuwaasoo ay sheegeen in mudo dheer ay dabka keeydinayaan.
Qalabkan la gudoonsiiyay isbitalka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo kasoo kasbaneeysay dagaalladii burburkii ay reebeen dagaalladii sokeeye ee dalka soo maray.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Madaxweyne ku xigeenka Puntland & Wafdi uu Hogaaminayo oo Xamar yimid
- Kulan guddiyada baarlamaanka Soomaaliya uga furmay Kampala (SAWIRRO)
- Dowladda Somalia oo ka Warbixisay Saraakiishii loo Xiray Qaraxii Hoteel SYL
- Japan oo Malaayiin Doollar ku bixisay ka Hor-tagga Qaraxyada Dalka Somalia
- MUCAARADKA: Waa in la qabto kulan looga tashanayo hoggaanka Somaliland
- Xaaska Madaxweynihii hore ee Ivory Cost oo lagu Xukumay Xabsi 20-sano ah
- Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidanka oo xukunnno ku riday eedeysanayaal
- Safiirka Somalia u fadhiya dalka Imaaraadka carabta oo soo gaaray Kismaayo
- Diyaarado duqeyn ka geystay Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose
- Kooxda Ahlusunna oo Diidday inay Ciidankeeda kala baxdo Degmada Guriceel
- DALXA: Waxaa jira lacago loogu Deeqay Somalia oo ay Wadamo kale Qaateen
- Haweenka Soomaaliyeed ee Minnesota oo xusay Maalinta Haweenka Aduunka
- Madaxwyne C/weli Gaas oo Maanta Xarigga ka jaray wado cusub oo Laami ah
- Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaan cusub
- Ra’iisul Wasaare Cumar oo Addis Ababa kula kulmay Dhiggiisa Dalka Itoobiya








