4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 10, 2015
DALXA: Waxaa jira lacago loogu Deeqay Somalia oo ay Wadamo kale Qaateen


Talaado, Maarso 10, 2015 (HOL) — Xildhibaan, Prof. Maxamed Cumr Dalxa oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Somalia ahna gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay jiraan dalal si gaar ah uga faa’iideystay lacago Jaamacadda carabta ugu yaboohday Somalia kaddib markii la waayay xukuumad daba-gasha lacagahaas.

Prof. Dalxa ayaa soo hadal-qaaday sababaha keenay lacago Somalia loogu yaboohay oo aan la bixin illaa iyo xilligan, isagoo sheegay in xukuumadihii soo maray Somalia aysan illaa hadda wax daba-gal ah ku sameyn lacagta Soomaaliya loogu deeqay ee la leexsaday.

“Lacagaha kuwa aan la bixin waxay ku timid dowladda daba-gasha oo wasiir arrimaha dibadeed ama maaliyadda oo dhex-taga dunida Carabta ama daba-gal ku sameeya ayaan jirin xukuumadihii wixii ka dambeeyay Farmaajo, wax is-haysta mooyaanee, mana jirto wax ajande ah oo ay dowladda Somalia la shir tagtay, sidaa waxaa kaga faa’ideystay dowlado kale oo dhaqaalihii loogu talo-galay Somalia qaadanaya,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Dalxa.

Xildhibaanka oo la weydiiyay dowladaha ka faa’ideystay dhaqaalihii Soomaaliya loogu yaboohay ayuu sheegay inay ka mid tahay dowladda Jabuuti oo daris la ah Soomaaliya.

“Dowladaha lacagaha Somalia loogu yaboohay ka faa’iideystay waxaa ka mid ah dalka Jabuuti, kuwo kalena way jiraan, balse walaalaheen Jabuuti waxay lasoo baxeen siyaasado cad-cad, iyagoo ka faa’iideystay wixii Somalia ay ka gaabisay, waana ku faraxsannahay intii dad kale ay cuni lahaayeen ay ka faa’iideystaan iyagana; balse waxaa jiray shirar wasaaradaha Carabta ay ugu talo-galeen beeraha wasiir Somali ah oo matala, balse Jabuuti ayaa ka faa’iideysatay,” ayuu yiri mar kale yiri xildhibaanku.

Ugu dambeyn, Prof. Dalxa ayaa hadalkiisa ku daray inaysan jirin wasaarado si toos ah u daba-gala dhaqaalaha loogu yabooha Somalia, xilli Jaamacadda Carabta lacago badan ay Soomaaliya ugu yaboohday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya